Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Waalidiinta waliishooda tababarka ugu maqan yihiin Eritrea oo maanta dhigay iskusoo bax cabasho ah
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Waalidiinta ilmahooda tababarka ugu maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta magaalada Muqdisho mar kale ku dhigay mudahaarad ay ku dalbanayaan in wiilashooda dib loogu soo celiyo dalka.
Waalidiinta ayaa dowladda ku eedeeyay in ay dhegaha ka furaysatay baaq kala duwan oo ay u jeediyeen, waxayna sidoo kale sheegeen in maanta rasaas loo adeegsaday cabashadooda.
“Dowladda albaabada ayay naga xiratay, hadana ciidamadeedii ayaa na hortaagan oo noo diidan inaan cabashadeena muujino oo carruurteena meel lagu sheego,” ayay yiraahdeen waalidiinta.
Mudaharaadyaasha ayaa si gaar ah baaq ugu diray raysal wasaaraha Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, waxayna ka codsadeen inuu carruurtooda usoo celiyo.
Waalidiinta qaar waxay sheegeen in carruurtooda lagu qiyaanay in loo qaadayo dalka Qatar, balse la geeyay dalka Eritrea.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Guddida anshax-marinta iyo xalinta khilafaadka ee koomiishanka doorashooyinka Somaliland oo digniin u diray musharixiinta
5/16/2021 4:22 PM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Guddida anshax-marinta iyo xalinta khilaafaadka, ee koomiishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa digniin u diray qaar kamida musharixiinta, oo ay sheegeen in ay bilaabeen ollole aan wakhtigiisi la gaadhin.
Askari ka tirsanaa ciidanka badbaado Qaran oo meydkiisa la helay
5/16/2021 2:43 PM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) -Askarigan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mukhtaar ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel aan ka fogeyn Iskuul Booliisiyo magaalada Muqdisho, iyadoo lagu riday god qashinka lagu shubo.
Qabanqaabada shirka 20ka bishan u furmaya madaxda DF iyo dowladda gobolleedyada oo la bilaabay
5/16/2021 1:03 PM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) -Waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay guddiyo iyo wakiilo ka kala socda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada kuwaa oo u gogol xaaraya shirka 20ka bishan lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.
Hay’ada caafimaadka adduunka iyo Midowga Yurub oo deeq caafimaad gudoonsiisay koomiishanka doorashooyinka Somaliland
5/16/2021 12:58 PM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO oo uu waheliyo Midowga Yurub, ayaa qalabka lagaga hortago caabuqa Covid-19 ku wareejisay koomiishanka doorashooyinka Somaliland.
Hal qof oo ku dhintay balli ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa
5/16/2021 11:55 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Hal wiil ayaa ku nafwayay balli ku yaala deegaanka Isha-gobka, ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa sida lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray
5/16/2021 10:45 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya , Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo 4tii bishan May loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.
Hirshabeelle oo si deg deg ah uga hadashay dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Matabaan
5/16/2021 10:28 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa si kulul uga hadlay dagaalo khasaare kala duwan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Sacuudiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israa'iil ka wado Qaza
5/16/2021 8:01 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Dowladda Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareeysay xadgudub aay sheegtay in Israa'iil ku hayso Falastiiniyiinta.
Ciidamo ka tirsan Haramcad oo xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Jowhar
5/16/2021 7:43 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Haramcad oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo gadoodsan aay xireen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Jowhar.
Golaha midowga musharrixiinta oo raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka leexday dhex dhexaadnimadiisa
5/16/2021 7:31 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in raysal wasaaruhu uu u muuqdo mid ka weecanaya mowqifkiisa dhexdhexaadnimo.
Madaxweynaha Somaliland oo soo guryo noqday kadib markii uu shalay ka qayb galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti
5/16/2021 7:02 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa, kadib markii uu maalintii shalay caasimada Jabuuti kaga qayb galay caleemo saarka madaxweyne Geelle.
Puntland oo dhaqaale u qoondaysay ururada siyaasadada ee ku tartamaya doorashooyinka heer deegaan
5/16/2021 6:51 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in ay $90'000 u qoondaysay urur siyaasadeedyada Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo maanta daahfuray olalaha isdiiwaan galinta doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed
5/16/2021 1:45 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay munasabad lagu maamuusayay 15ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay doorkii 13kii dhalinyarada ahaa ee SYL
Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo go'doomisay magaalada Jowhar
5/16/2021 1:32 AM EST
Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa qeylo dhaantii ugu danbeysay ka saaray xaalada magaalada Jowhar oo uu ku fatahay wabiga shabeelle waxaana mas'uuliyiinta maamulku sheegeen in ay go'doon gashay magaalada Jowhar.
Somali News
Somalia bans Kenyan airline for transporting election materials to Somaliland
-
HOL
5/16/2021 12:20 PM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia has banned a Kenyan registered airline from future operations in the country following its deployment by Somaliland to transport election materials from Nairobi.
AFRICOM commander meets with Madobe in Kismayo
-
HOL
5/16/2021 5:45 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Commander of the United States Africa Command (AFRICOM) met with the state President of Jubaland on Saturday in the regional capital of Kismayo.
Flooding cuts off acccess to Jowhar
-
HOL
5/16/2021 4:00 AM EST
Beledweyne (HOL) - Travel to the regional capital of Hirshabelle has been cut off after intense flooding rendered the roads unusable, according to local officials and residents.
Midfielder Lukwata joins Somalia Premier League club
-
Kawowo
5/16/2021 3:29 AM EST
Intelligent and fast paced midfielder Abdulnoor Lukwata is expected to sign a semi-professional contract with Somalia Premier League side Heegan Football Club.
Trust deficit keeps Somalia’s leaders at loggerheads
-
ISS
5/16/2021 3:26 AM EST
Does Prime Minister Roble have enough support and independence to ensure elections can be held at last?
Shattering the Glass Ceiling: Art Dealer Mariane Ibrahim on the Power of the Right Relationships
-
Artnet
5/16/2021 12:42 AM EST
In the final installment of our mini-series Shattering the Glass Ceiling, Artnet News’s art and design editor Noor Brara spoke with pioneering gallerist Mariane Ibrahim, founder of her eponymous gallery.
Ethiopia again delays national election amid deadly tensions
-
AP
5/16/2021 12:32 AM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — Ethiopia has again delayed its national election after some opposition parties said they wouldn’t take part and as conflict in the country’s Tigray region means no vote is being held there, further complicating Prime Minister Abiy Ahmed’s efforts to centralize power.
Fardosa is the dreamy coming-of-age film made by first-time actors
-
Dazed
5/16/2021 12:30 AM EST
This beautiful, ambiguous short film depicts one night in the dreams and the waking life of a teenage Finnish-Somali girl and her friends
Muslim Community Center expands to serve growing population
-
Buffalo News
5/16/2021 12:25 AM EST
When the Islamic Society of Niagara Frontier presented plans for its Muslim Community Center and mosque 30 years ago, some area residents fought against it. So, when it sought permits and approvals, it incorporated plans for three future expansion options.