4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo soo guryo noqday kadib markii uu shalay ka qayb galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa, kadib markii uu maalintii shalay caasimada Jabuuti kaga qayb galay caleemo saarka madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa galinkii danbe ee maalinimadii Jimcaha ee 14 bishan May, safar ugu kicitimay dalka Jabuuti kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha Jabuuti, oo ku marti qaaday xafladiisa dhaarinta.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa madaarka Xumbuli ee caasimada Jabuuti kusoo sagootiyay wasiiro ka tirsan xukuumada Jabuuti iyo wakiilka Somaliland u jooga dalka Jabuuti Cabdifatax Siciid Axmed.

Madaxweyaha iyo waftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen madaarka Cigaal ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxa soo dhaweeyay saraakiil sar sare oo katirsan xukuumada Somaliland, waxayna salaam ka qaateen cutub katirsan ciidamada qalabka sida.

Safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisu ay kaga qayb qaateen xaflada dhaarinta madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qaatay muddo 36 saacadood ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]