4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Puntland oo dhaqaale u qoondaysay ururada siyaasadada ee ku tartamaya doorashooyinka heer deegaan
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in ay $90'000 u qoondaysay urur siyaasadeedyada Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo maanta daahfuray olalaha isdiiwaan galinta doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Puntland ayaa saddex kamid ah degmooyinkeeda oo kala ah, Qardho, Ufayn iyo Eyl waxay markii ugu horeysay bisha Julay ka bilaabaysaa doorashooyin toos ah oo ay dadweynuhu kusoo dooranayaan xildhibaanada golaha deegaanka. 

Saddexdan degmo ayaa doorashooyinkooda waxaa loosoo horumariyay, si loo tijaabiyo doorashooyinka nidaamka axsaabta badan oo Puntland ay horey ugu fashilantay sanadkii 2013.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ururka kaste la siin doono hal mar $10'000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda, si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online