4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed

 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay munasabad lagu maamuusayay 15ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay doorkii 13kii dhalinyarada ahaa ee SYL

Farmaajo  ayaa ayaa ku dheeraaday hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay  in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL  ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta dalalka Afrika.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay  muhiimadda ay dowladdu siisay awoodsiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggoominta dalka iyo shaqo-u-abuurka, waxaana xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti  oo ay ku dhibaataysnaayeen laga soo daayey boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]