4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Midowga Yurub oo mashaariic ay malayiin yuuro ku baxayso ka hirgalinaya magaalada Berbera
 

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) - Midowga Yurub ayaa 7.5 milyan oo yuuro ku maal galinaya qurxinta xeebta Batalaale ee Berbera, oo ay kamid yihiin horumarinta baarkinka baabuurta, beer nasasho oo laga samaynayo xeebta iyo mashariic kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada howlaha guud DR. Jamaal Cabdi Muuse, ayaa sharaxaad ka bixiyay noocyada mashaariicda uu Midowga Yurub hirgalinayo.

“Barnaamij kani wuxu ka koobanyahay dhawr qaybood oo kala ah, beerta nasashada, maaraynta qashinka iyo baarkinka gaadiidka” ayuu yidhi agaasimuhu.

Maayarka dagmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, ayaa sheegay in hiigsigoodu uu yahay in magaalada Berbera lagu maamulo balayiin dollar mustaqbalka dhaw.

“Hiigsiga yagu maaha halkan meel ka fog baanu u soconaa, waxanu u socona hal bilyan iyo laba bilyan oo dollar in magaaladan lagu maamulo” ayuu yidhi.

Wakiilka Midoga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in mashaariic horumarineed oo baaxad lihi ay ka socdaan magaalada Berbera, isagona faah faahiyay mashaariicda ay maal galinayaan.

“Berbera horumar baaxadleh ayaa ka socda, dekadii oo dhawaan la furayo, maanta oo aan halkan u joogno horumarinta xeebta Batallaale, sidookale waxa jira mashariic kale oo socda, sida beerta nasashada iyo dib u casriyaynta magaalada” ayuu yidhi.

“Horumarkani Berbera kuma koobna lakin waxa uu saamaynaya waddanka oo dhan, tusaale ahan isku xidhka dhaqaalaha ee Somaliland, wadada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya” ayuu hadalkiisa ku daray wakiilku.

Magaalada Berbera, ayaa martigalinaysa mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaaladan oo la rajaynayo in ay noqoto xarun ganacsi oo wayn oo ku taala gobolkan geeska Afrika mustaqbalka dhaw.

 

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]