4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Taliye kuxigeenkii Booliiska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

 

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Weheliye Waaweyne oo ahaa taliye kuxigeenkii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo 9kii bishan ku dhaawacay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhiga degmada Waabari.

Waxaa geerida taliye kuxigeenka warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali, waxaana uu ka mid noqonayaa saraakil dhowr qaraxaasi ku dhintay.

Maalmihii ugu danbeeyay ayuu xaalad aad u liidata oo caafimaad la sheegay in uu ku jiray isaga oo ugu danbeyntii caawa geeriyooday.

Sarkaalkan ayaa xalal kala duwan ka soo qabtay ciidamada iyo waliba maamuladda ka jira dalka gaar ahaan gobolka Hiiraan oo uu ka soo jeeday.

Waxaa geeeridiisa ka tacsiyeeyay Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi u diray qoyska, caruurta, ehallada, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]