4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle
 

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la siiyay hab maamuus sare, oo la mida ka madaxda qaramada la’aqoonsanyahay.

Warsaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu yidhi “madaweynaha Somaliland waxa munaasibada caleemo saarka laga siiyay habmaamuus u dhigma ka madaxda dhigiisa ee goobta ku sugnayd”.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi la siiyay habmaamuus sare, oo lamid ah ka madaxda ka socotay dowladaha la aqoonsanyahay ee caalamka.

“Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda kala duwan ee caalamka ka kala socotay ayaa iyaga oo is hareero socda halmar soowada galay munaasibada caleemo saarka” ayaa lagu yidhi war murtiyeedka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka warbixiyay soodhawaynta loo sameeyay madaxweyne Biixi iyo waftigiisa, ayaa sheegay in si milgo leh loo qaabilay waftiga Somaliland.

“Waxanu aad ugu faraxsanahay milgaha iyo karaamada Somaliland lagu soo dhaweeyay iyo goobta iyo sharafta ay ku buuxisay” ayuu yidhi wasiir Koore.

“Waxanu qiraynaa hadanu nahay waftigii ka socday J. Somaliland in dadka reer Jabuuti iyo madaxdooduba ay si milgo iyo maamuusleh noogu soo dhaweyeen dalkooda, nana siiyeen hab maamuuskii aanu ka mudnayn” ayuu hadalkiisa kudaray.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa, ayaa lagu qaabilay habmaamuus sare oo lamida ka madaxda dowlada la aqoonsanyahay ee ka qayb galayay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti tan iyo markii uu ka dagay madaarka Xumbuli.

Soo dhaweynta iyo baratakoolka loo sameeyay madaxweyne Biixi ayaa aad uga sareeyay kii lasiisayay madaxweyne Siilaanyo caleemo saarkii madaxweyne Geelle ee kan ka horeeyay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]