4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Israel oo lagu eedeeyay in ay duqeyn ku dishay dad qaxooti ah

 

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) -Warka ka soo baxay Wasaarradda Caafimaadka Falastiin ayaa lagu sheegay in ugu yaraan  7 ruux oo qaxooti ah ay ku dhinteen duqeymaha aan loo meeldayin ee Israel ay ku garacayaan marinka Gaza

Dadka dhintay ayeey Wasaarraddu sheegtay in ay intooda badan yihiin carruur iyo haween, ku jiray xero lagu magacaabo Al-Shati  oo ku taala Waqooyiga Gaza.

Tirkoob la sameeyay ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda duqeymaha Israel ay ku dhinteen ilaa 140 ruux oo dhamaantood ay ku dhaceen madaafiicda iyo duqeymaha ay adeegsaneyso Israel.

Colaadda Gaza ayaa dhalisay in rabshadaha ay ku fidaan deegaannada ay Israa'iil haysato ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay isku faro-saareen Falastiiniyiinta iyo xooggaga ammaanka ee Israa'iil.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]