4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Kenya oo laba diyaaradood u ogolaatay in ay Somaliland tagaan xili ay xayiraad saartay diyaaradaha ka imanaya iyo kuwa tagaya Soomaaliya
 

Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Dowlada Kenya ayaa laba diyaaraadood oo sida qalabka doorashooyinka Somaliland u ogolaatay in ay Hargaysa tagaan, xili ay Kenya xayiraad saartay duulimaadyada ka imanaya iyo kuwa tagaya Soomaaliya.

Kenya ayaa diyaaradahan siisay ogolaansho dibulumaasiyadeed oo sumadiisu tahay MFA/PRO.91/002(052), taasi oo u ogolaanaysa in ay kadhofi karaan madaarka Joma Kenyatta iyagoo kusii hakanaya Jabuuti kadibna  cagadhiganaya madaarka Cigaal ee Haragysa.

Diyaaradahan oo lagu kala magacaabo MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F oo labaduba ka diwaan gashan dalka Kenya, ayaa lasiiyay ogolaansho muddo laba cisho ah ay qalabka doorashooyinka Somaliland ku keeni karan Hargaysa.

Hadii ay yimaadan wax dib u dhac ah ama daabulista qalabka doorashadu uu mudada ku dhamaan wayana waxay ku darsan karaan 24 saacadood oo dheeraad ah.

“Ogolaanshaha waxa la bixiyay wakhti 72 saacadood ah, si loo dabooli karo hadii wax dib u dhac ahi yimaado” sida waxa lagu yidhi qoraal ay wasarada arrimaha dibada Kenya u dirtay xafiiska isgaadhsiinta Somaliland.

Mid kamida diyaaradaha ay Kenya ogolaanshaha soo siisay ayaa maantaba qaybtii ugu horaysay ee qalabka codbixinta doorashooyinka Somaliland oo lagu soo farsameyay dalka Koonfur Afrika Hargaysa keentay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]