4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Qalab loogu talo galay codbixinta doorashooyinka Somaliland oo Hargaysa soo gaadhay


Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Waxa madaarka Hargaysa kasoo dagay qaybtii ugu horaysay ee waraaqaha codbixinta iyo waraaqaha lagu qoro natiijooyinka goobaha codbixinta, oo ka kooban 21 xidhmo.

Waraqahan ayaa waxa soo daabacday shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo ku guulaysatay tartan loo galay daabicitaan kooda sida uu sheegay guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac.

“Maanta waxa nasoo gaadhay qalabka aad arkaysan oo ah waraaqiihii codbixinta iyo kuwii natiijada goobta lagu qorayay, oo ka kooban 21 xidhmo oo waayayn oo dhawr iyo toban tan ah” ayuu yidhi Riyo-raac.

“Ilaa 50 tan na way noosoo socotaa, maanta iyo barrito, qalabkani wuxu naga soo gaadhay shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay, oo ku guulaysatay tartankii dabacaada” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wakiilo ka socda saddexda xisbi ayay guddida doorashooyinku ku marti qaadeen in ay goobjoog ka noqdaan soo dajinta qalabkan, si loo xaqiijiyo is aaminaad iyo wada shaqayn sida uu sheegay Riyo-raac.

Diyaar garawga doorashooyinka Somaliland ayaa halkii ugu saraysay maraya, xili ay 17 cisho oo kali ahi ka hadheen qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka oo ku began 31 bishan May.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]