4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay eedayn uga timid guddiga fatahaada ee Hirshabeelle
 

Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedayn kasoo yeertay guddiga fatahaada Hirshabeele oo ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda in ay xayirtay dhaqaalihii loogu talo galay ka hortagga iyo maaraynta fatahaada webiga Shabeelle.

Wasaaradda maaliyadda waxay sheegtay in bishii march ay bilowday qiimaynta baahida ka hortagga fatahaada webiga Shabeelle islamarkaana ay haatan dowladdu tartansiinayo shirkaddihii ka shaqeyn lahaa mashruuca ka hortagga fatahaada webiga.

Halkaan hoose ka akhriso jawaabta wasaaradda maaliyadda kasoo baxday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online