4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Duqeymihii Gaza ee oo wali sii socda iyo gantaalo mar kale ku dhacay Tel Aviv

 

Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Waxaa sii soconaya duqeymihii aan kala joogsiga laheyn oo ay Israel ku heysay maalmihii aynu soo dhaafnayba marinka Gaza, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan duqeymo jawaab u ah weerarka Israel oo ku dhacaya caasimad Tel Aviv 

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan dad gaaraya 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israel Isniintii, 

Warbixintan oo laga soo xigtay goobaha caafimaadka ayaa sidoo kale sheegeysa in markii horeba goobaha caafimaadka ay la ciirayeen dadka uu soo ritay xanuunka Covid19 haddana la dhigay dad dhaawac ah.

Waxaa dhinaca kale jira weerarro jawaab ah oo  oo ay Xamas ay ku tuurayaan caasimada Israel iyadoo kii ugu danbeeyay uu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska.

Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen militariga Israel.

“Israel oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yiri Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv.

Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]