4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Diridhabe oo si wayn looga ciiday maanta


Khamiis. May, 13. 2021 (HOL) - Waxaa maanta siwayn looga ciiday magaalada Diridhabe, iyadoo dadka qaybihiisa kala duwan ay isugu soo baxeen banaanka wayn ee salaadda ciidda lagu tukado,  si ay u oogaan salaadda ciidul fitriga.

Dadka ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad badan,  iyadoo geesta kale ciidamada amniga ee Diridhabe ay sugayeen amniga dadkan.

Dadka oo aad u badnaa dartii waxaa salaadda lagu tukanayay ilaa laamida wayn ee isgoyska ka sokeeya goobta lagu tukanayay salaadda ciidda.

Intii uu jiray Covid 19 waa Ciiddii koowaad ee dadku banaan isugu soo baxaan ciidda,  iyadoo ciidihii tan ka horeysay dadku ku tukanayeen masaajidda ku yaal xaafadaha.

Abdilahi Jawhar,  Hiiraan Online
[email protected]