4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Jigjiga oo maanta si wayn looga oogay salaaddii Ciidda


Khamiis. May, 13. 2021 (HOL) - Garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa maanta lagu tukaday salaaddii ciidda, iyadoo dad aad u badan isugu soo baxeen garoonkan si ay ugu tukadaan salaadda Ciidda.

Madaxda degaanka u saraysa ayaa dadka salaaddii ciidda dadka kula tukadan garoonkan, iyadoo Madaxweyne Mustafena uu aad ugu duceeyay dadka reer Filistiin ee dhibku haysto.

Dadka maanta isugu soo baxay goobtan ayaysan ciidihii hore u suurta galin inay goobtan ku tukadaan, cabsi laga qabay cudurka Covid 19 awgii.

Sidoo kale gobolada iyo degmooyinka uu degaanku ka kooban yahay ayaa maanta siwayn looga ciiday.

Abdilahi Jawhar,  Hiiraan Online
[email protected]