4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Siyaasiyiintu marna ma midoobayaan tan iyo qiyaamaha intay siyaasadi jirto"
 

Khamiis. May, 13. 2021 (HOL) - Madaxweyne Mustafe Cagjar oo shacabka magaalada Jigjiga kula ciiday garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa hadalo kooban ka jeediyay goobtii salaadda lagu oogayay.

Haddaba Madaxweyne Mustafe ayaa marka hore muslimiinta ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul fitriga. sidoo kale dadka reer Filistiin ayuu u duceeyay inuu Ilaahay dhibka haysta ka qaado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fagaarahan uusan ahayn mid siyaasad lagaga hadlayo, oo siyaasaddu ay meelo kale leedahay, sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay midnimo,  isagoo xusay inay siyaasiyiintu aysan midoobayn tan iyo intay jirto siyaasaddu.

Ugu dambayn Madaxwayne Mustafe ayaa u duceeyay Ciidamada gaarka ah ee degaanka, kuwaas oo u taagan difaacidda dhulkooga hooyo,  iyo sidoo kale Barakacayaasha iyo dadka baahan ee meel kasta daadsan.

Hadalada Madaxwaynaha ayaa u badnaa duco,  taas oo aad usoo jiidatay shacabkii kasoo qayb galay salaaddii ciidda ee maanta.

Abdilahi Jawhar,  Hiiraan Online
[email protected]