4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo farriin u diray bulshada Soomaaliyeed

 

Khamiis. May, 13. 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo boqolaal ruux kula tukaday masjidka madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu habalyeeyay shacabka dabaldega Ciidul-Fidriga.

Rooble ayaa ugu baaqay munaasabada awgeed in la caawiyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba heysan , dhinaca kalana bulshadu ka wada shaqeeyaan dhamaantood nabadgalyada iyo deggenaasha dalka.

Madaxda ugu sarreysa dalka iyo guud ahaan kuwa dowlad gobolleedyada ayaa habalyo ku aadan maalintan farxadeed u dirray shacabka Soomaaliyeed iyaga oo u rajeeyay sanadkan kiisa kale in ay ku gaaraan nabadgalyo iyo baraare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]