4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Wasiir Duraan Faarah oo kala hadlay guddiga Diyaaradaha xayiraadda duulimaad ee Kenya
 

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dowladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dowladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan. “ ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’aantahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online