4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo diiday ergayga Midowga Afrika usoo magacaabay dhexdhexaadinta arrimaha doorashada
 

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) - Soomaaliya ayaa diiday magacaabista iyo inuu dalka yimaado Wakiilka sare ee uu Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya, John Mahama, si uu u hogaamiyo wadahadalada dhexdhexaadinta arrimaha doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in aysan kalsooni ku qabin madaxweynihii hore ee Ghana sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay dowladda Kenya.

Warqad ku taariikheysan 10-ka May, ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdirisaaq wuxuu ugu sheegay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Mahamat, in Mahama aan lagu soo dhaweynayn Soomaaliya, imaatinkiisana uusan wax qiimo ah soo kordhineyn maadaama horeyba heshiis wada hadal loo galay.

"Runtii waa wax lala yaabo in murashax xiriir dhow la leh hoggaanka Kenya ay doorteen Midowga Afrika si loo fududeeyo wada-hadallada ku saabsan muranka siyaasadeed ee ay qayb ka yihiin  kuwa ay hoggaamiyeyaasha Kenya taageereen," ayaa lagu yiri warqadda qeyb ka mid ah.

Dowladda Federaalka waxay xustay inay kala laabaneyso taageerada Wakiilka Sare ee Midowga Afrika.

Balse, mucaaradka ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray magacaabista Mahama si uu u hogaamiyo wadahadalada doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, Ilo wareedyo ayaa u sheegay HOL in Midowga Afrika uusan ka laaban doonin go'aankiisa ku aaddan magacaabista iyo dirista Mahama ee loo dirayo Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online