4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Deegaannada ay maamulaan Ururka Al-shabaab oo maanta laga ciidayo

 

Arbaco May, 12, 2021 (HOL) -Xarrakada Al-shabaab ayaa xalay ku dhawaaqday maanta oo Arbaco ah tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, xili guud ahaan marka la eego inta badan dunida muslimka ay isku raaceen in maanta la kaamilayo 30ka bisha Ramadaan.

Inta badan deegaannada ay gacanta ku hayaan All-shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa dadka ku dhaqan waxaa ay ku qasban yihiiin in ay maanta ciidaan, iyaga oo qaadanaya amarka hoggaanka Ururka.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada dalka ayaa isku raacay xalay in maanta oo Arbaco ah tahay maalin Soon, halka maalinta Khamiista ah oo ku beegan berri tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]