4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 10, 2021
Taliska Booliiska '' Qaraxii xalay waxaa ku geeriyootay Lix ruux

 

Isniin, May, 10, 2021 (HOL) -Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay saldhiga degmada Waabari ayaa sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa lix ruux oo ay ka mid ahaayeen labo taliye ciidan.

Qofka weerarka soo qaaday ayuu sheegay in uu ahaa ismiidaamiye lagu soo beegay xili uu saldhiga ka socday shir ay lahaayeen saraakiil ciidan, taasoo keentay in uu khasaare badan sababo.

Taliyayaasha ku geeriyooday qaraxa ayaa kala ahaa taliyihii saldhiga degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane  iyo Taliye kuxigeenkii Waliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey.

Mas'uuliyada weerarkan waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ee gacanta ka siinaya sugida Amniga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]