4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 10, 2021
Ra'isal Wasaare Rooble'' Waa in loo midoobaa dagaalka Al-shabaab

 

Isniin, May, 10, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay saldhiga degmada Waabari oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo saaray Ra'iisal Wasaaraha ayuu ku yiri ''“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas, Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo ayuu yiri” Rooble.

Rooble ayaa sheegay in falkan uu tusaale cad u yahay sida aysan xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka Al-Shabaab xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“ Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan ayaa yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaraxii xalay oo ahaa mid xooggaa oo siweyn jugtiisa looga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday taliyihii saldhigga Allaha u naxariistee gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo  Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey oo ahaa tiliye ku xigeenkii  qeybta Waliyoow Cadde.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]