4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Somaliland oo musharixiin mucaarad ah ku eedaysay in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya
 

Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa 4 musharax oo mucaarad ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa magacaabay musharixiinta kala ah, Qaasim Aadan Saleebaan, oo Waddani uga sharaxa gobolka Sool iyo kubra X. Xuseen X. Maxamuud oo Waddani uga sharaxan Burco,

Cabdiraxman Yusuf Cali, oo Hargaysa uga sharaxan UCID iyo  Canab Cabdi Xirsi oo UCID uga sharaxan gobolka Sool.

Wasiir ka ayaa sheegay in afartan musharaxan anay aamin sanayn qadiyada madaxbanaanida Somaliland, is la markaana ay suuragal tahay in ay dowlada Soomaaliya soo dirsatay.

“Afarta musharaxa ee aanu soo sheegnay, waxa loo haystaa in waddan aan waddanka Somaliland aqoonsanayn in ay xidhiidh dhow la leeyihiin” ayuu yidhi wasiirku.

“Mararka qaarkoodna loo fasiran karo in loosoodiray in ay khal khal nabadgalyada iyo doorashada dalka galiyaan” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa sheegay in ay caddayn ku filan u hayaan danbiyada ay ku eedeeynayaan musharixiinta kor ku xusan.

“Ma aha waxaanu iska leenahay, ee waa wax caddayn tooda la horgayn doono maxkamada, waxayna ku eedeeysanyihiin in ay cadow usoo raaceen umada Somaliland oo maanta doorasho xasaasiya galaysa” ayuu yidhi wasiirku.

Musharixiintan ayaa noqonaya musharixiintii ugu horeyay ee ay dowladu xadhigooda iyo danbiyada loo haysto si toosa uga hadasho.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]