7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo shaqadii ka joojiyay duqii magaalada Bosaso
 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa shaqo joojin ku sameeyay duqii magaalada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Madaxweyne Deni ayaa go'aanka uu shaqada kaga joojiyay duqa Bosaso ku sababeeyay eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Bosaso.

Waxaa kale oo madaxweynuhu sheegay in uu tixgaliyay cabashooyinka ka imaanaya shacabka degmadda Boosaaso.

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso, ayaa la faray inuu shaqada sii wado. Waxaana hanti dhawrka Guud lagu amray in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan duqa Bosaso.

Waa duqii labaad oo shaqada laga joojiyay muddo kooban gudaheed, waxaa horay shaqada looga joojiyay duqii Gaalkacyo Saahil Maxamuud Sayn oo lagu eedeeyay musuq maasuq, maalmo kadibna waxaa la kala diray golihii deegaanka Gaalkacyo.  Iyadoo la magacaabay guddoomiye kumeel gaar ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]