7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Madaxii guddiga ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Islii oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi
Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday allaha u naxariistee madaxii guddiga ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Islii, Ibraahim Xuseen Maalin (Ibraahim Dheere).

AUN. Ibraahim Xuseen Maalin (Ibraahim Dheere), oo bulshada Soomaalida ee Kenya magac weyn ku lahaa, ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19, waxaana isla maanta lagu aasay magaalada Nairobi.

Waxaa aaskiisa ka qeyb galay Madax sare oo katirsan dowladda Kenya  sida Aadan Barre Ducaale, Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.
 


Ibraahim Dheere waxaa lagu xasuustaa horumarinta ganacsatada islii, doorkii uu ka qaatay waxbarashada, dib u heshiisiinta iyo kaalintii uu ka cayaaray in canshuurta ganacsatada Soomaalidu bixiso wax loogu qabto xaafadda Islii oo Soomaalidu degto.

Marxuumka waxay saaxiibo dhow ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya, Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, oo dhawaan ku geeriyooday Nairobi, waxaana xusid in marxuumka maanta lagu aasay qabri ku agyaala midka uu ku aasansan yahay Maxamed Yuusuf Xaaji.

Dadkii kasoo qeyb galay duugtiisa ayaa sheegay in Soomaalida Kenya uu ka baxay tiir weyn, waxayna alle uga baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]