7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Kenya oo sheegtay in ay fashilisay weerar Alshabaab la damacsanaayeen saldhiga ay ku leeyihiin Qooqaani
 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) - Ciidamada Kenya qeybta ka ah AMISOM ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar Alshabaab kusoo qaadeen saldhiggooda Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kenya waxay sheegeen inay dhowr dagaalame oo katirsan Alshabaab ku dileen howlgalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay qaar kale dhaawaceen islamarkaana ay ka furteen hubkii ay wateen oo isugu jiray qoryaha fudud iyo rasaas.

Muuqaal lagu faafiyay barta twitterka ayaa lagu arkayaa ciidamada Kenya oo dul taagan maydka qof hubaysan oo wajigiisa la daboolay.

Ciidamada Kenya oo Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, ayaa waxay ka howlgalaan Jubbaland, waxaana saldhigooda ugu weyn uu ku yaalaa magaalada Dhoobley.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]