7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) -  Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka ay ku baaqeen bulshada caalamka ee looga hadlidoono qabashada doorashooyinka

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu soo gaaro Muqdisho madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi iyo guud ahaan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ee hadda ku sugneyd magaalada Muqdisho,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]