7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda madaafiicda maanta lagu tuuray Xallane
 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen madaafiic maanta lagu tuuray xarunta Xallane oo ah saldhigga ugu weyn ee looga taliyo ciidamada howgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay lix hoobiye ku weerareen Xallane, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkas.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli Xallane uu ka dhacayo shir dhexmaraya dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Lama oga in madaafiicda ku dhacday xallane ay saamayn ku yeelan karaan shirka madaxda Soomaalida ku yeelandoonaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]