7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Wafdi hor dhac u ah madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho gaaray

 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) -  Waxaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wafdi  hor dhac u madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Garoonka ayaa waxaa degay diyaarad siday ilaalada gaar ah madaxweynaha Jubbaland oo laftirkiisa lagu waddo in saacadaha soo socda ilaa galinka danbe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Shirka madaxda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco xarunta Afsiyooni ee lagu doortay madaxweynaha hadda talada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]