7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Madaafiic lagu weerarray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) -  Weerar madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa lagu tuuray xarunta Xalane magaalada Muqdisho ee fariisinka u ah ciidamada howlgalka AMISOM iyo wakiilada dowladdaha shisheeye.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu tuuray xarunta Xalane oo dhinaca kale isku diyaarineysa marti-galinta shirka doorashooyinka ee dhawaan furmaya.

Ma'aha markii ugu horreysay oo madaafiic lagu weeraro saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane waxaana inta badan weerarada noocan ah sheegtay Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]