7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 9 , 2021
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 09, 2021 (HOL) - Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka qeybgalaya shirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa maanta galinka danbe magaalada Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed ayaa sharuud ku xiray ka qeybgalka shirka iyaga oo dalbaday in madasha shirka laga dhigo goob amaan ah, waxaana wararku sheegayaan in shirka lagu qaban doono xerada Afasiyooni oo ay amnigeeda suganayaan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Shirka sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona ilo xog ogaal ah sheegayaan in wakiilada beesha caalamka ay la socon doonaan shirkan  si loo gaaro heshiis kama danbeys ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]