7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Ciidamo lagu soo tababaray dalka Turkiga oo dib ugu soo laabtay Muqdisho


Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Galinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ka tirsan ururka 6-aad guutada 17-aad ee ciidanka Kumaandooska loo yaqaano Gorgor kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Ciidamadan maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa keentay diyaarad nooca ciidamada Cirka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Lugta ee xooga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen  Xaaji oo la hadlaayay ciidamada Gorgor ee tababarka usoo dhamaaday ayaa kula dardaarmay iney ka qeyb qaataan dhismaha iyo Nabadda dalka, waxuuna u mahadceliyay dowladda Turkiga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu soo tababaro dalka dibadiisa gaar ahaana dalka Turkiga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]