7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Madaxweyne Muuse Biixi "Dadka reer Muqdisho way afduubanyihiin"
 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay cadawad abuurayso.

Madaxweynaha oo maanta golaha sharci dajinta ka hor akhriyayay qudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay la colaytanto wadan kasta oo Somaliland xidhiidh la yeesha.

“Marka ay Soomaaliya maqasho Somaliland dal baa casuumay, waxa la yaableh cadawada, naca iyo talaaboyinka ay qaadayso ee jar iska xoor ka ah” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidookale madaxdii kala duwanayd ee Soomaaliya soo martay ku eedeyay in anay dacad kahayn midnimada.

“waxay umada u sheegaan Soomaali makala maaranto, walalayaal waanu idiin baahanahay, haday walalnimadu jirto nin ka walalkaa karaameya adigana wuu ku sharfay”. Ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan uga jeeda in hadii madaxda Soomaaliya ay daacad ka ahan lahaayeen jacaylka ay sheegaan in ay u qabaan Somaliland, anay ka cadhoodeen xidhiidhada ay Somaliland la yeelato dowlaha kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidookale sheegay in shacabka reer Muqdisho ay u afduubanyihiin madaxda Soomaaliya.

“Muqdisho dadka ka taliya shacabka Muqdisho iyagaaba u afduuban, dadwaynaha Muqdisho way ogyihiin wayna arkayaan waxa dhacaya” ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Dadka talada u hayaa Soomaali ay isku keenaan iskadaaye, talaabooyinka ay qaadaan waa kuwo aanay Soomaali waligeed isku imanayn” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxwne Biixi ayaa dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in la yidhaa baarlamaankii Somaliland baa Muqdisho lagu dooranayaa.

“waxa yaableh oo  marwalba idaacada lagaga hadlaa, baarlamaankii gobolada Waqooyi baa laysku haystaa” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxwnaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay baarlamaan, dowlad iyo shacab wada shaqaynaya, isla markaana ay gardaro tahay in la yidhaa baarlamaan kiini baa Muqdisho lagu dooranayaa.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]