7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo cudurka Covid-19 ugu geeriyooday Isbitaalka Martiini

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Duuliye Sare Maxamuud Xaaji Climi oo loo yaqaanay Xaaji Dhagax ayaa saakay cudurka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Muqdishu. Duulye sare Xaaji Dhagax ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii sharikadda Soomaali Airlines oo khadka ka baxday muddo ka badan soddon sanadood

Inta uusan ku soo biirin Somali Airlines dhammaadkii sannadkii 1973, Capt. Xaaji dhagax wuxuu ka tirsanaa Ciidankii Circka Soomaaliyeed, halkaas uu Captain ka ahaa dayaaradda DC3. Wuxuu markii dambe duuliye ka noqday dayuuradaha kala ah Fokker F27, C402, B707 iyo Airbus 310 sida ay  wadajir HOL ugu sheegeen Capt. Maxamed Y. Cigaal iyo Capt. Maxamuud Sheekh (Dable Biloote) oo ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen.

Allaha u naxariistee Capt. Xaaji Dhagax wuxuu ku dhashay magaalada Moqdishu sannadkii 1945, wuxuu noloshiisa badankeeda ku noola magaalada Muqdisho. Markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday dalka Soomaaliya1991, Capt. Xajji Dhagax wuxuu u wareegay magaalada Boosaaso, ee maamul goboleedka Puntland.

Waxay Soomaalida si weyn ugu xasuustaan Duuliye Sare Xaaji Dhagax af-duubkii loogu geeystay duulimaadkii dayuuraddii B707ee ku sii socotay magaalada Berbera. Dayaaradaas ayaa waxaa magaalada Addis Ababa u af0duubay G/sare Cawil oo ka tirsanaa jabhaddii SNM. Wuxuu ku amray Capt. Xaaji dhagax in uu dayaaradda ka dajiyo magaalada Addis Abbaga ee dalka Itoobiya. Rakaabkii dayaradaas ayaa si nabad leh dib ugu soo laabtay magaalada Moqdishu.

Burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya, Capt. Xaaji Dhagax wuxuu si weyn isugu xilsaaray in uu dib u soo nooleeyo sharikaddii Soomaali Airlines, laakin waxa uu kala kulmay caqabo badan oo ay ka mid ahaayeen maamuladii dalka ka jiray oo aan diyaar u ahayn in ay kaalmo ka geystaan soo celinta sharikadda Soomaali Airlines. Waxaa nasiib darro-ah in Duuliye sare Xaaji Dhagax uu ka geeriyooday isaga oo aanan arkin sharikaddii Somali Airlines oo dib u soo laabatay.