7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Midowga Musharixiinta oo qoraal u diray Wasiir-Arrimo dibaddeedyo iyo Ururro caalami ah

 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Midowga Musharixiinta ayaa qoraal adag u diray Wasiirro-Arrimo dibaddeedyo iyo qaar ka mid ah ururrada caalamiga ah, iyaga oo ka dalbaday in ay deg deg u soo fara-galiyaan xaalada Soomaaliya.

Midowga ayaa qoraalkoodan u diray '' Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Nuxurka Qoraalka ayeey ku sheegeen in wali madaxweyne Farmaajo si sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen uu ku sii jooga xafiiska, islamarkaana aysan rajo badan ka qabin xiligan in madaxweynuhu qabto doorasho si nabad ah ku dhacda.

Waxaa ay sheegeen in doodda ku dhisan in madaxweynuhu xilka sii joogayo ilaa la  helo madaxweynihii badali lahaa aysan aheyn dood sax ah, madaama isaga sabab u yahay in la qaban waayo doorashada.

Waxaa ay qoraalkooda ku dalbadeen saddex qodob oo kala ah :-

1-In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha.

2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan.

3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda.

Waxey sheegeen in ficallada Farmaajo ay halis galinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay in uu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay

Waxaa ay shaki badan ka muujiyeen in madaxweynuhu uusan si iskiis ah talada u wareejin doonin, islamarkaana “uu si wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.”

Hoos ka akhriso Qoraalka Midowga Musharixiinta 

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]