7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
QM oo walaac xooggan ka muujisay qorshaha UK ku dhimayso gargaarka dalal ay Soomaaliya kamid tahay siiso
 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters ayaa war laga naxo ku tilmaamay in dowladda UK ay xilligan jarto maalgalinta ay ku bixiso barnaamijyada gargaarka ee dalalka Soomaaliya,  Yemen iyo koonfurta Sudan.

UK, ayaa qorshaynaysa in ay 60% dhimis ku sameyso taageerada ay ku bixiso gargaarka Soomaaliya, halka sidoo kale ay jarayso 59% taageerada ay siiso Koonfurta Suudaan, 45% dalka Yemen iyo 67% oo ah Suuriya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe qaar ka mid ah dalalka ugu saboolsan uguna colaadda badan adduunka looga jari doono kala badh barnaamijyadooda gargaarka ee UK.

Xafiiska arrimaha dibedda ayaa sheegay, in saameynta masiibada ku habsatay dhaqaalaha UK , ay ku qasabtay in ay qaataan go'aanno adag, oo ay ka mid tahay in si ku meelgaar ah loo dhimo lacagta ay ku bixiyaan gargaarka.

Xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ku tilmaamay guud ahaan jarista barnaamijka gargaarka ee Qaramada Midoobay ee ay taageerto UK, “xukun dil ah”.

Qaar badan oo kamid ah hay’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ee taageerada ka hela UK, ayaa lagu wargaliyay in ay ay la kulmidoonaan dhimis dhaqaale, waxaana loo sheegay in aysan sanadkan sameynin wax ballanqaadyo maaliyaddeed ah. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]