7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo codsaday in aan la siyaasadayn dacwadda badda dowladdana lagu garab istaago
 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa codsaday in aan la siyaasadayn oo dowladda lagu garab istaago dacwadda badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya Kenya uga guulaysatay isku day ay ku doonaysay in ay dib u dhigto dhegaysiga kiiska dacwadda badda sida marar hore dhacday.

Wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ku matalaya dood afeedka dacwadda badda, ayaa maanta ka dhoofay magalaada Muqdisho, iyagoo kusii  jeeday magaalada hague ee dalka Holland oo ay ku taalo maxkamada ICJ.

Xeer ilaaliyaha oo qeyb ka ah wafdiga ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dowladda Soomaaliya ku guulayandoonto dacwadda hortaala maxkamada cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Badda Soomaaliya waa qeyb kamid ah gobonimada Soomaaliya, mana la oggolaanayo in lagu xad gudbo ama la kala qeybiyo, shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda waxay diyaar u yihiin in ay difaacaan baddooda,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Soomaaliya.

Taariikhda markay tahay 15-ka march ayay si rasmi ah u billaaban doontaa dhegaysiga dacwadda badda, waxayna socon doontaa illaa 19-ka bisha march.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]