7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Duqa Muqdisho'' Shacabka waa in ay u dhaga-nuglaadaan fariimaha caafimaadka

 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digay shacabka in ay iska dhaga-mariyaan fariimaha caafimaadka ee loo jeedinayo si looga hortago cudurka Covid 19.

Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in talaabo laga qaadi doono cidii fulin weysa awaamiirta ay soo saartay wasaarada caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dadaalo Bulshada looga wacyigelinayo khatarta cudurkan looguna sheegayo qaabka ugu haboon ee looga hortagayo.

Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa bulshada aan helin karin agabka looga hortago covid-19 u qeybiyay, taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa la dagaalanka faafitaanka coronovirus.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]