7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Jigjiga: Imtixaanka fasalka 12aad oo si guud maanta uga billaabmay degaanka Soomaalida
 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) -Waxaa maanta ka billaabmay magaalada Jigjiga iyo guud ahaan degaanka Soomaalida Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, kaas oo ay u fadhiisteen arday ka badan 17 kun oo arday guud ahaan degaanka Soomaalida.

Haddaba ardaydan maanta u fadhiistay Imtixaankan fasalka 12aad ayaa ku galaya 109 goobood oo aad loo sugay amnigooda, iyadoo sidoo kale la adkeeyay sidii aysan u dhicin wax qish ah.

Imtixaankan oo dib u dhacay wakhti dheer ayay sabab u ahayd cudurka Covid 19, oo guud ahaan hanaanka waxbarasho ee dalka dib u dhac ku keenay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online.
[email protected]