12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in cudurka Covid-19 qatartiisa sii xooggaysanayso ayna hadda dhalinyarada u geeriyoonayaan
 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abikar Nuur iyo wasiirro kale oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyay halista sii kordhaysa ee cudurka Covid19.

Wasiirka caafimaadka oo hadalka ku horaysay ayaa sheegtay in ay hadda dhalinyarada u geeriyoonayaan cudurka Covid19, ayna aaminsan tahay in Soomaaliya uu soo galay nuuca halista badan ee Coronavirus.

Drs, Fowsiyo Abikar waxay sheegtay in ay diiwaan galiyeen tiro badan oo dhimasho dad dhalinyaro ah, waxayna sheegtay in dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan ee cudurkaan uu soo ridanayo.

“Weli sheybaar laguma xaqiijin in nuucii halista badnaa uu yahay midka hadda ku faafaya Soomaaliya, balse dhaqaatiirta iyo culuumta ku taqsusay shaki ugama jiro inuu yahay mid cusub oo ka duwan midkii hore,” ayay tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa musiibo ku tilmaamtay cudurkan, iyadoo ku boorriysay shacabka in ay raacaan tallaabooyinka dowladdu kula dagaalamayso oo ah in la yareeyo isku imaatinka lana joogteeyo nadaafadda iyo isticmaalka qalabka looga hortagayo faafitaankkaa cudurka.

Bilihii January iyo February ee sannadkan boqolaal qof ayaa cudurka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, iyadoo tiro intaas ka badan oo aan la diiwaan galin loo malaynayo in ay sidoo kale u geeriyoodeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]