7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ku sii jeeda magaalada Hague


Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay u anbabaxaan magaalada Hague iyaga oo ka qeybgalaya dhageysiga kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Kenya kaasoo ay qaadeyso maxkamada ICJ.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehlin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Diblumaasiyiin ka qaybgalaya dhageysiga  dacwadda Badda ee labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooddaya labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galayaan aalada fogaan-aragga ee Zoomka sababo la xiriira cudurka Covid19.

Dhageysiga dacwadda ayaa tiro saddex jeer dib loo dhigay kol hore kaddib markii ay sidaa codsatay dowladda Kenya oo laakiin codsigeedii ugu danbeeyay ku guuldareystay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]