7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Milkiilaha Gaari laga digay in uu is qarxinayo oo warkaasi beeniyay

 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Warbaahinta ka soo muuqday oo la hadlay milkiilaha gaariga laga digay in uu is qarxinayo kaasoo sumadiisu tahay AH 2737, waxaana uu beeniyay wararka arintaa ku saabsan.

Ciise Xaaji Cabdulle oo sheegay in uu isagu leeyahay gaarigan ayaa warbaahinta u sheegay in wararka ku saabsan in gaariga qarax loo adeegsan rabo yihiin kuwo been abuur ah.

Waxaa uu sheegay in uu maqlay war ku saabsan in UNku ka digeen gaarigiisa taasoo ayuu yiri ah arin khatar ku aheyd naftiisa iyo hantiisa isaga oo dalbaday magdhaw.

Warkan ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo  qaarkood loo adeegaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waana markii ugu horreysay oo muwaadin Soomaaliyeed si toos ah warbaahinta uga beeniyo in hanti uu leeyahay la damacsan yahay in loo adeegsado qaraxyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]