7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2021
Shirkii Arrimaha Doorashooyinka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada oo dhawaan furmaya

 

Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) -Dhawan ayaa la filayaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirkii Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyad iyo gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Sida qorshu yahay waxaa la filayaa in dhawaan uu magaalada Muqdisho ku qabsoomo kulan u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Sibteembar, kaas oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka, sidaa waxaa yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay, hasse ahaatee afhayeenka xukuumadda ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ee shirkani uu furmayo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw shir ayaa sheegaya suurtagalnimada in kulankani lagu qabto xarunta Xalane ama hotel Decale  oo ku dhax yaala Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]