4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 7 , 2021
Carruur Haraad dartiis ugu geeriyootay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
 

Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi aay ka jiraan xaalado Bani'aadanimo mida ugu daran.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku jirta go'doon aay saareen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab waxaana degmadaasi iyo nawaaxigeeda laga soo sheegaya Abaaro baahsan oo halkaasi ka jira.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in laba caruur ah aay haraad udhinteen xaaladuna tahay mid marba marka ka dambeysa kasii dareysa.

Guddoomiye Sahal ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ku nool degmada Ceelwaaq iyo tuulooyinka hoos yimaada oo xaaladoodu tahay mid aad u liidato.

Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya aay shaacisay in Abaaro ba'an aay ka jiraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo kuna dhawaaqday guddiga gaar ah oo qaabilsan wax ka qabashada xaaladaha Bani'aadanimo ee ka taagan gobolka Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]