4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Weerar ku bilowday qarax oo caawa lagu weeraray xabsiga Bosaso
 

Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - Qarax weyn ayaa goor dhowayd ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo kadibna ay xigtay rasaas xoogan oo la is weydaarsanayay.

Wararka aan helayno waxay sheegayaaan in la weeraray xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso. Waxaa haatan la maqlayaa is rasaasayn.

Xabsiga magaalada Bosaso waxaa ku xiran maxaabiis Alshabaab ah oo dil ku xukuman iyo kuwa eedeesanayaal ah oo xukun sugayaal ah.

Alshabaab ayaa horey xabsigaas u weeraray, balse weli kuma guulaysan in ay gudaha u galaan xabsiga oo ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Xilliga oo habeen ah ayay adag tahay in macluumaad dheeraad ah laga helo weerarkaan, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay xaafadaha magaalada Bosaso.

Wixii faafaahin ah oo dheeraad ah la socda.

Hiiraan Online News Disk