4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Somaliland: golaha wasiirada oo go’aamo cusub soo saaray
 

Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - shirka golaha wasiirada Somaliland ayaa laga soo saaray go’aamo dhawr ah oo ay kamid yihiin in guddidi abaaraha dib loo hawlgaliyo, in la qodo biyo xidheeno, in warbaahinta dawladu u sinaato mucaaradka iyo muxaafid kaba iyo qodobo kale.

Kalfadhigii 71aad ee golaha wasiirada Somaliland oo uu guddoominayay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa laga soo saaray go’aamo taabanaya mawduucyo kala duwan.

Golaha ayaa amray hayadaha amaanka in la xoojiyo amniga maadama oo ay soo food leeyihiin doorashooyiin.

Golaha ayaa warbaahinta dawlada amray in ay u sinaadan mucaaridka iyo muxaafid kaba xiliga doorashada oo ay u cadaalad falaan.

Golaha ayaa go’aamiyay in guddidii abaaruhu dib u hawl gasho isla markaana guddi xaqiiqo raadin ah loo diro meelaha ay abaaruhu ka jiraan si biyo iyo raashin loo gaadhsiyo.

Golaha ayaa sheegay maadama oo ay jirto biyo yaraan soo noqnoqotay in xukuumadu sanadaha soo socda xooga saarto qodista ceelal biyood iyo biyo-xidheeno.

Ugu danbayntii warbixinta goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in si buuxda looso celinayo wacyigalintii xannuunka Covid 19 oo dib usoo laba kacleeyay.


Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]