4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo fartay maamulayaasha waxbarashada in ay u hoggaansamaan amarka lagu xirayo goobaha waxbarashada
 

Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa fartay dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka lagu xirayo goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ay garwaaqsan tahay tallaabada lagu xirayo goobaha waxbarashada, in ay qeyb ka tahay dadaalada xukuumadu ku xakamanayso faafitaanka caabuqa Covid-19.

Wasaaraddu waxay ka codsatay waalidiinta in ay ilmahooda ku boorriyaan in ay ku sugnaadaan guryahooda ayna dib u akhristaan casharadooda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]