4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo markii saddexaad kulmaya

 

Khamiis, Maarso, 04,  2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa markii saddexaad maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in ay kulmaan.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay kulankooda uga wada hadleen wax-yaabihii ka qabsoomay kulamadii kan ka horeeyay, gaar ahaan qabanqaabada dibadbaxa lagu waddo in Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qoraal habeenimadii xalay ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo ogolaaday mucaaradka in ay dibadbaxooda ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon oo ay dalbadeen midowga Musharixiinta.

Inkastoo wada hadallada labada dhinac si wanaagsan ku socdaan, haddana dhinaca kale midowga Musharixiinta ayaa ku eedeynaya madaxweyne Farmaajo in uu carqalad ku yahay is fahamka xukuumada iyo musharixiinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]