4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Somaliland iyo Taiwan oo heshiis cusub kala saxiixday
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL-Taiwan ayaa Somaliland ka caawinaysa nidaamka shabakada dawlada, oo dhamaan xafiisyada dawlada layskugu xidhi doono iyadoo la isticmalayo internetka.

Nidaamka shabakada dawlada ayaa marka la hirgaliyo isku xidhi doono dhamaanba xafiisyada dawlada.

“Qorshahani wuxu ka mid yahay qorshayaasha horumarinta J. Somaliland oo ay kamid tahay in si horumar balaadhan looga gaadho maamul wanaaga, waxa lagama maar maan ah in macluumad wanagsan iyo shabakado isgaadhsiineed oo iku xidhan la helo.” waxa sidaa tidhi, Aamina Xuseen Maxamed, agaasimaha wasarada isgaadhsiinta.

“Heshiis kani wuxu ka kooban yahay, nidaamka shabakada dawlada iyo mashruuca tayaynta iyo xirfadsiinta dhalinyarada”. Ayay agaasimuhu hadalkeeda kusii dartay.

Safiirka Taiwan u jooga Somaliland amb lou Chen-hwa ayaa sheegay in ay Somaliland ka caawinayaan tiknoolajiyada iyo mashaariic kale.

Safiirka ayaa sheegay in sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee Taiwan ee ICDF uu Somaliland siiyay mashruuc waxbarasho oo bilaasha, safiiraka ayaa sidookale sheegay inuu rajaynayo in mashrucan shabakada dawladu uu noqdo mid hirgala.

Dhinacakale safiirka Somaliland u jooga Taiwan amb Maxamed Xaaji Maxamud oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska labada dhinac ay gaadhen.

“Aad baan ugu faraxsanahay in Somaliland iyo Taiwan ay ka wada shaqaynayan tiknoolajiyada, taasi oo aad muhiim u ah, waxanan rajaynayaa in ay Somaliland ka faa’iidaysan doonto, Somaliland oo kali ahi kama faa’ iidaysanayso Taiwan sidokale Taiwan na Somaliland way ka faa’iidaysanaysaa” ayuu yidhi safiirku.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]