4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Hargaysa: arday burburisay dugsi waxbarasho
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - arday wax ka barata dugsiga sare ee Nuuradiin oo ku yaala magaalada Hargaysa ayaa bur bur baaxadle u gaysatay dugsiga kadib markii ay ka cadhoodeen arday dugsiga laga eryay.

Kacdoonka ay ardaydu samaysay ayaa yimiday kadib markii uu maamulka dugsigu, uu Maxamed Axmed Jaamac oo kamida ardayda ka eryay dugsiga iyadoo lagu eedeeyay in uu war been abuura ka faafiyay dugsiga.

Ardaygan ayaa bartiisa Facebook ku dhaleeceyay habkii uu dugsiga Nuuradiin ula tacalay caabuqa Covid19, isagoona sheegay in muuqalada uu digsigu baahiyo ay yihiin qaar been abuura oo anay waxba ka jirin.

Hadaba ardayda wax ka barata dugsiga ayaa markii ay ka warheleen in Maxamed dugsiga looga eryay qoraalka faalada ah ee uu ka qoray dugsiga bilaabay mudaharad rabshado wata.

Ardayda ayaa gabi ahaanba dhulka la samigay agab kii uu dugsiga Nuuradiin lahaa, sida daaqadihii, albaabadii, sabuuradihii, kuraastii, iyo dhamaanba kaamirooyinkii ku xidhnaa dugsiga.

Maxmed oo ay warbaahintu ku booqatay gurigooda mudaharadka Kadib ayaa sheegay in dugsiga gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin uu dhibaatooyin balaadhan ku hayo ardayda wax ka barata.

“Dhibaatooyin kaloo badan baa jira, ardaydu dhinac kasta ayay ka cabudhsantahay, dhinaca dhaqaalaha ayay ka cabudhsantahay oo lacag aad u badan baa arday kasta kaga baxda, iyo cabudhino kale oo badan” ayuu yidhi Maxamed.

Sidokalena maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin  Mahad Ibraahim oo ka hadlay mudaharadka ayaa ku goodiyay in tiro qaswadayaal ah oo ardayda kamid ihi ay ardayda abaabuleen sidaana lagu burburiyay dugsisa isla markaana ay talaabo ka qaadi doonan.

Xogeeyaha arrimaha Bulshada ee xisbiga Wadani Maxamed Sadiiq Dhame oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in dhacdadani ay tusaale u tahay sida ay waxbarashadii u noqotay ganacsi aan tudhaale iyo tayo midna lahayn waa sida uu hadalka u dhigaye.



Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]