4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Beelweynta Xawaadle oo magaalada Baledweyne kaga dhawaaqday Ugaaska Cusub ee Beeshaas


Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Kadib kulan ballaaran oo aay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne qeybaha kala duwan ee Beelweynta Xawaadle ayaa la iskula meel dhigay in Ugaaska Cusub ee Beelaha Xawaadle uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif.

Kulanka Beelweynta Xawaadle oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne waxaa masuuliyiintii kasoo qeyb gashay ka mid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Jenaraal Muqtaar Xuseen Afrax, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano Odayaal iyo Waxgarad aqoonyahano, dhalinyaro, Culuma'udiin ka tirsan Beelaha Xawaadle.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa loo gartay inuu noqdo Ugaaska Beelaha Xawaadle, waxaana la shaaciyay in la Caleema saari doono afar bil 10 cisho kadib.

Dhamaan Nabadoonadii iyo Waxgaradkii ka hadlay kulanka waxay sheegeen iney la shaqeyn doonaan Ugaaska Cusub ee Beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Ku dhawaaqista Ugaaska Cusub ee Beelaha Xawaadle ayaa imaaneysa xili Ugaaskii Beelaha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu 23-kii bishii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]